Home Wararka Maanta Madaxweynaha Kenya oo shaaca ka qaaday xog ku saabsan dil loo qorsheeyay...

Madaxweynaha Kenya oo shaaca ka qaaday xog ku saabsan dil loo qorsheeyay guddoomiyihii doorashada

0

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto ayaa jeediyay eedeymo ku aadan la qorsheeyay in la afduubto isla markaana la dilo guddoomiyaha guddiga doorashada xilli ay socotay doorashada madaxweynaha ee la shaaciyay sanadkii lasoo dhaafay.

Mr Ruto ayaa ku guuleystay doorashadaas la qabtay bishii August ee sanadkii 2022, wuxuu helay codad gaarayay boqolkiiba 50.5, muran iyo buuq ayaa xilliggaas hareeyay xaruntii lagu tirinayay codadka.

Xilliggaas guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya, Wafula Chebukati wuxuu sheegay in shaqadiisa uu qabsanayay balse loo hanjabay.

“Waxaan la soconnaa inay jireen isku dayo toos ahaa oo lagu afduuban rabay Mr Chebukati si loo dilo, howsha guddigana loo curyaamiyo, hanjabaaduhu waxay ahaayeen kuwo aad u xun”.

Ruto ayaa hadalkan jeediyay xilli aqalka madaxtooyada uu kulan la lahaa guddiga doorashada.

Xibsiga ninkii ay Ruto sida weyn doorashada ugu tartamayeen ee ODM, Raila Odinga ayaa hadalkan ku tilmaamay mid lasoo dhadhoobay.

Wuxuu intaa ku daray, “Waa inay eedeymahan ay horgeeyaan marka la hirgeliyo guddiga baaritaanka ku sameynayo arrintaas “.

Ad
Previous articleLafta-gareen oo aqbalay inuu wadahadal la furo mucaatlradka diidan mudo kororsiga halka sano ah ee loo sameeyay.
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Xalay ku Hoyday Degmada Xarardheere Baaqna Deg deg ahna Diray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here