Home Wararka caalamka Ciidanka Dowlada Suuriya oo la wareegay Qeybo kamid ah Magaalada Ghouta..

Ciidanka Dowlada Suuriya oo la wareegay Qeybo kamid ah Magaalada Ghouta..

0
SHARE

Xoogaga daacadda u ah dowladda Suuriya ayaa la sheegay in ay la wareegeen kala bar bariga Ghouta .

“Ciidamada dowladda waxa ay gacanta ku hayaan 50% Ghouta,” waxaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka AFP Rami Abdel Rahman, oo ah madaxa kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay UK.

Dhanka kale Kolanyo gargaar ah oo lagu waday in maanta ay u safraan goobaha ay mucaaradka haystaan ee bariga Ghouta ayaa dib loo dhigay.

Afhayeen u hadlay hay’adda laanqayrta Cas ayaa sheegay in xaalado ka soo kordhay goobtaasi ay sababeen dib u dhac kale.

Waxa ay noqonaysaa markii labaad oo dib u dhac uu ku yimaado toddobaadkan gargaar ay si aad ah ay ugu baahnaayeen kumannaan rayid ah oo go’doonsan.

Isku day lagu doonayay Isniintii in gargaar lagu gaarsiiyo bariga Ghouta ayaa hakad galay ka dib markii duqaymo cusub ay bilaabmeen.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here