Home Wararka Maanta Alshabaab oo xalay Madaafiic Ku Garaacday Qaybo ka Mid ah Magaalada Muqdisho

Alshabaab oo xalay Madaafiic Ku Garaacday Qaybo ka Mid ah Magaalada Muqdisho

0

Labo madfac oo ah nooca Mortar-ka ee hoobiyaha Soomaalidu u taqaano ayaa Xalay ku habsaday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Iskuul u dhow isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho ayaa mka mid ah goobaha uu ku dhacay mid ka mid ah madaafiicdan.

Kan labaad ayaa ku dhacay dugsi Qur’aan ku yaalla degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir sida ay Warbaahinta  u xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan.

hoobiyeyaasha caawa ku soo dhacay Muqdisho, weli si rasmi ah looma khasaaraha ay geysteen.

Al-Shabaab ayaa ku garaacda hoobiyeyaal aan mararka qaarkood laheyn bartilmaameed la garan karo,  waxayna dhiibaato si joogto ah uga soo gaartaa dadka rayidka ah.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii mid ka mid ah madaafiic lala beegsaday xaafado ka tirsan Muqdisho uu ku habsaday guri ay ka jirtay tacsi, halkaasoo uu ka geystay dhimasho iyo dhaawac.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaaal Culus oo saakay Markale Dib uga Qarxay Magaalada Laasacaaanood
Next articleSoomaaliland oo Ka Hadashay Dagaalka Saakay Markale Ka Qarxay Laasacanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here