Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo dalbatay in xarunta ururka Midowga Afrika laga raro Itoobiya...

Dowlada Soomaaliya oo dalbatay in xarunta ururka Midowga Afrika laga raro Itoobiya Xili ay ku Xadgudubtay Bada Soomaaliya

0

Waxaa weli cirka isku sii shareereysa xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii badda ee ay todobaadkan magaalada Addis Ababa ku gaareen Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay si weyn uga carootay dowlada Soomaaliya.

Xiisadda ayaa kusii fideysa gobolka, waxaana dowladda Soomaaliya ay arrintan kala hadashay dalal ay kamid yihiin Kenya, Masar, Qatar iyo waddamo kale.

Dhankooda Ururada Midowga Afrika iyo IGAD oo ay qayb ka yihiin dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa iyaguna siyaabo kala duwan uga hadlay xiisadda soo cusboonaatay, inkastoo wararkooda aaan si toos ah loogu carab dhufan xadgudubka dowladda Itoobiya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa isaga oo ka hadlayay arrimahan wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan, ayna taageerayaan in Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Afrika laga raro waddanka Itoobiya.

Warsame ayaa ku eedeeyay Itoobiya inay jabisay xeerarka lagu dhisay ururka iyo qawaaniinta caalamka, maadaama ay ku xadgudubtay madax bannaanida dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaas daraadeedna aysan u qalmin inay martigeliso Xarunta Ururka Midowga Afrika.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay mar weliba ku tumato mabaad’idii lagu dhisay Ururka oo ahayd dhowrida gobanimda, madax bannaanida iyo midnida dhul dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika.

“Waxaan taageersanahay fikirka ah in xarunta Midowga Afrika laga raro Itoobiyo, maadaama ay jabineyso xeerarka Ururka, ayna ku xadgudbeyso madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta qoraal kasoo baxay Midowga Afrika si aan la fileyn looga hadlay heshiiskii Addis Ababa ee muranka dhaliyay, kana caroortay Somalia.

Ururka marnaba sooma hadal qaadin xadgudubka loo gaystay Soomaaliya oo ka hortimid heshiiska badda ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo qoraalkan ku saxiixnaa ayaa si isku mid ah ula hadlay Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo sheegay inuu is dhow ula socdo xiisadda ka dhalatay heshiiskii kowdii bishaan lagu gaaray magaalada Addis Ababa.

“Guddoomiyaha wuxuu ku baaqay in la muujiyo degnaansho iyo istixgelin ka timaada labada dhinacba, si loo yareeyo xiisadaha ka dhextaagan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Itoobiya” ayuu yiri guddoomiye Moussa Faki Mahamat.
Ad
Previous articleGolaha Wasiirada Soomaaliya oo Markale War Xasaasi ah kasoo Saaray Xadgudubkii Itoobiya
Next articleWar Deg Deg ah:Dowladda federaalka Soomaaliya oo dalab deg-deg ah oo ka dhan ah heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed ku gaareen Addis Ababa u dirtay….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here