Home Wararka caalamka Daawo Ururka Isbahaysiga Yahuuda Oo Ku Baaqay In Laga Takhaluso Iiraan Oo...

Daawo Ururka Isbahaysiga Yahuuda Oo Ku Baaqay In Laga Takhaluso Iiraan Oo Ay Ku Tilmaameen Cadowga Israa,iil

0
SHARE

Shirweynaha ururka Yuhuuda Maraykanka ee xagjirka ah oo u ololeeya Israel ayaa Isniintii shalay ka furmay caasimada Maraykanka ee Washington.

Shirkan ururka AIPAC oo ay sanad walba ka qeyb galaan siyaasiyiinta awood kuleh Maraykanka iyo shirkadaha waaweyn ee taageera Israel ayaa ah mid looga hadlo sidii lagu xoojin lahaa maamulka Israel ee heysta dhulka Falastiin.

Guddoomiyaha ururka AIPAC ayaa khudbadiisii sanadkan ku sheegay in loo baahan yahay inay taageeraan dalka Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga oo uu sheegay inay hawl fiican ka wadaan gobalka Bariga Dhexe.

Hogaamiyaha AIPAC Stephen Greenberg ayaa ku tilmaamay cadowga ugu weyn ee Israel leedahay uu yahay maamulka ka taliya IRAN, isla markaana loo baahan yahay in laga takhaluso dowladaasi Islaamiga ah.

Wuxuu sheegay in sidoo kale gacan lasiiyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman oo uu sheegay inuu isbedal weyn doonayo inuu ku sameeyo Boqortooyada Sacuudiga, taasi oo ah wax wanaagsan, waa siduu hadalka u dhigayee.

Dhinaca kale xubnaha ka socday Maamulka Israel ee shirkaasi ka qeyb galay ayaa waxaa kamid ahaa Naftali Bennett oo ah Wasiirka Waxbarashada iyo Qurbo-joogta ee Israel, ayaa sheegay in Israel ay hada leedahay cudud militari oo ka awood badan dhamaan marka la isku daro cadowgooda (dalalka Carabta ee jaarka la ah).

Naftali Bennett ayaa sidoo kale sheegay in Israel aysan marnaba ogolaan doonin in dalalka Carabta iyo kuwa jaarka la ah ay helaan awooda Nukliyeerka, isagoo sheegay marka laga yimaado IRAN inay sidoo kale kasoo horjeedaan in dalka Sacuudiga uu yeesho Awooda Nukliyeerka.

Madaxda Maraykanka

Xubnaha ka socday Dowlada Maraykanka ee xalay khudbadaha kasoo jeediyey shirkan ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweyne kuxigeenka Mike Pence oo sheegay in dowlada Trump ay ahmiyad gaar ah u yeeshay illaalinta iyo taageerida Israel, isagoo sheegay inay ka guuleysteen kooxda Daacish, wuxuuna sheegay inay sii wadi doonaan cadaadiska ay saarayaan Iran.

Mike Pence ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Qudus u aqoonsadaan caasimada Israel, isla markaana safaaradooda bisha May ee sanadkan u rari doonaan magaaladaasi.

Safiirka Maraykanka u fadhida UN-ka Amb.Nikkey Haley oo iyadana khudbad halkaas kasoo jeedisay ayaa ka hadashay sida Maraykanka uu u difaaco Israel kulamada Qaramada Midoobay.


Nikkey Haley ayaa sheegtay in ay meesha ka baxday riyadii ahayd in Israel la burburiyo, isla markaana Maraykanka uu ka shaqeenayo sidii Israel ay taageero uga heli lahayd golayaasha Qaramada Midoobay.

Waxay ku dooday in xubnaha UN-ka intooda badan ay cadaawad u muujiyaan israel taasi oo khatar ku ah amniga gobalka, ayey tiri Nikkey Haley oo sacab xamaasadleh kala kulantay ka qeyb galayaasha shirkaasi AIPAC.

Furitaankii shirkan AIPAC ayaa sidoo kale keenay banaanbax ay dhigeen dad badan oo kasoo horjeeda kooxda xagjirka, dadkaasi oo banaanbaxa ka dhigay banaanka goobta uu shirka ka socdo.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here