Home Wararka Somaliya Ilhaan Cumar oo si Weyn loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho, Sawiro

Ilhaan Cumar oo si Weyn loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho, Sawiro

0

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congresska Mareykanka ayaa maanta ka soo degtay garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Waxaa Xildhibaanada ku soo dhoweeyey garoonka Aadan Cabdulle wasiiro iyo xubno kale oo ay ka mid ahaayeen, Gudoomiye ku-xigeenka Golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar, Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska DF Khadiijo Maxamed Diiriye, taliye ku xigeenka Booliska Zakia Xuseen iyo masuiliyiin kale.

Ilhaan Cumar oo booqasho ku mareysa Somalia ayaa socdaalkeeda ka soo bilowday degaanada Puntland oo heyb ahaan ay ka soo jeedo, gaar ahaan magaalada Garoowe, madaxda Puntland iyo shacabka ayaana halkaas ku soo dhoweeyey.

Inta ay joogto magaalada Muqdisho waxay kulamo la qaadan doontaa madaxda sare ee dowlada Somalia iyo wakiilada beesha caalamka, iyadoo ka dib u duuli doonto Jabuuti oo ay socdaalkeeda xiga ku tagayso ka hor inta aysan dib ugu laaban dalka Mareykanka.

Ad
Previous articleRuushka oo ku hanjabay in ay bur burin doonaan Gantaalada Difaacada hawada ee Patriot
Next articleOdayaasha lagu Xir Xiray Cadaado oo la geeyay Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb, Sawiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here