Home Wararka Maanta Ciidamo Gadoodsan oo La Wareegay Qaybo ka Mid ah Garowe

Ciidamo Gadoodsan oo La Wareegay Qaybo ka Mid ah Garowe

0

Ciidamo ka tirsan booliska maamulka Puntland oo mushaar la’aan ka gadoodsan ayaa maanta xirtay saldhiga dhexe ee caasimadda magaalada Garoowe.

Ciidanka gadoodsan ayaa guud ahaan joojiyay dhammaan shaqadii ka socotay saldhiga dhexe ee Garoowe waxaana la sheegay in ay dalbanayaan mushaar ka maqan dhawr bilood.

Saraakiil ka tirsan ciidanka gadoodsan ayaa sheegaya in aysan wax mushaar ah qaadan in ka badan 9 bilood islamarkaana aysan garanayn sababta loo siin waayay mushaarka iyo xuquuqda ka maqan.

Gadoodka ciidamada ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya degaannada Puntland iyadoo sidaan oo kale shalay ka dhacday Boosaaso.

Ad
Previous articleTaliyaha Ciidamada Soomaaliya oo Gaaray Dalka Uganda
Next articleBaarlamaanka oo ku kala qaybsamay Maqaamka Gobalka Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here