Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Sababta Ciidamada Dowladu ay Gudaha ugu gali la.yihiin Degmada aadan Yabaal xili...

Sababta Ciidamada Dowladu ay Gudaha ugu gali la.yihiin Degmada aadan Yabaal xili ay Alshabaab isaga Baxeen iyo Sababta oo la Shaaciyay

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh oo ka tirsan golaha shacabka, gaar ahaan xubnaha laga soo doortay deegaanada Hirshabeelle ayaa faahfaahin cusub ka bixiyey sababta ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ka hor taagan inay gudaha u galaan degmada Aadan-yabaal.

Xildhibaanka oo wareysi siiyey telefishanka Universal ayaa xaqiijiyey in kooxda Al-shabaab ay isaga baxday degmada Aadan-yabaal, balse ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka aysan weli gudaha u gelin.

Wuxuu sheegay in sababta ka hortaagan ay tahay cabsi xooggan oo laga qabo in miinooyin lagu aasay gudaha degmada, taas oo khatar ku ah ciidamada.

Xildhibaan Cabdiraxmaan wuxuu intaas ku sii daray, in ciidamadu ay hareereeyeen degmada, isla markaana ay isaga carareen dagaalamayaashii joogay ee Al-Shabaab, balse ay jirto cabsida miinooyinka.

“Ciidanku waxay joogaan hareeraha Aadan-yabaal, balse waxaa jirta sabab kaliftay in gudaha loo geli waayo degmadaas, sida lagu yaqaanba Al-Shabaab meel kasta miino ayey ku xiraayaan, marka waxaa socda baaritaan iyo miino saar xoog leh,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh.

Wuxuu intaas ku sii daray “Shabaab waa isaga baxeen degmada, ciidamadu waxay joogaan afaafka hore ee Aadan-yabaal, waxaan rajeynayaa in 24ka saac ee soo socota la xaqiiji doono gacan ku dhigidda Aadan-yabaal.”

Ad
Previous articleGudoomiye aadan Madoobe oo Talaabo Deg deg ah Qaaday Kadib Cabashadii Amniga ee Baarlamaanka Soomaaliya
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyo Culus oo laga maqlay Degmada aadan yabaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here