Home Wararka Maanta Faah Faahin laga helayo Dil ka dhacay Muqdisho iyo Alshabaab oo sheegtay...

Faah Faahin laga helayo Dil ka dhacay Muqdisho iyo Alshabaab oo sheegtay Masuuliyada dilkaas

0

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa habeenkii xalay aheyd xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Nabadsugida.

Dilka loo geystay Sarkaalka ayaa ka dhacay xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxaana uu u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirka, iyadoona ay goobta ka baxsadeen raggii ka dambeeyay falkaas.

Al-shabaab oo ka hadlay dilkii xalay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyadiisa, waxaana ay sheegeen inay dileen sarkaal ka tirsnaa Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa dharcadka.

Sidoo kale Shabaabka ayaa xusay in Sarkaalka lagu magacaabi jiray Cagaweyne, welina ma jiro wax war hadal oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan dilkaas dhacay.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag hubeysan, waxaana falalka qaar oo loo geysto Askarta dowladda sheegta Mas’uuliyadooda Al-shabaab.

 

Ad
Previous articleDowladda Somaliya oo ka hadashay Diblumaasiyada Kala dhaxeysa Jabuuti
Next articleMusharax Madaxweyne C/kariin Xuseen guuleed oo la kulmay Duqa Galkacyo (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here