Home Wararka Maanta Alshabaab oo Markii ugu Horaysay Ka Hadlay Dagaalkii ay ku jabeen ee...

Alshabaab oo Markii ugu Horaysay Ka Hadlay Dagaalkii ay ku jabeen ee Owdhiigle

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horreysay sameysay qirasho lama filaan ah oo la xiriirta dagaalkii dhawaan ka dhacay Awdheegle kadib markii kooxda ay weerar ku qaadeen xerooyinka ciidanka dowladda ku leeyihiin halkaasi.

Kooxda ayaa sheegtay in dagaalkaas looga dilay illaa 7 xubnood oo kamid ahaa dagaal-yahaanadii weerarka ku qaaday xerooyinka Awdheegle ee ciidanka, sida uu warbaahinta afka kooxda ku hadasha u sheegay Cabdisamad Abuu Cabdiraxmaan.

Cabdisamad oo Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha Shabeellaha Hoose ayaa waxa uu qiray in duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha drones-ka Turkiga iyo Mareykanka oo markii dambe kusoo biiray dagaalka Awdheegle, ay sababeen dhimashada xubnahaasi.

“Dagaal hadduu dhaco waa lagama maarmaan in naf baxeyso… Markii dharbaaxo culus la gaarsiiyay oo xeryahoodii laga saaray waxaa usoo gurmaday diyaaradahoodii meeshii waxaa (lagu dilay) illaa toddoba ruux,” ayuu yiri Cabdisamad Abuu Cabdiraxmaan.

Waxa uu intaas kusii daray “(Ciidanka) saddex xerro ayuu meeshaas kulahaa oo uu deganaa, maanta waa looga aarguday dadkay dhibaateynayeen waana u digniin una dambeyn mayso, xaaladdana waa degan tahay wax culeys ahna kama jiro.”

Ninkaan Al-Shabaab ugu magacaaban Shabeellaha Hoose ayaa sidoo kale waxa uu guullo ka sheegtay dagaalka ay kula jiraan dowladda, xilli muddooyinkii dambe kooxda laga saaray deegaano iyo degmooyin muhiim u ahaa, oo ay awoodi waayeen inay sii difaacdan.

Qirashadan ay sameysay kooxda ayaa noqoneysa mid lama filaan ah, maadaama badanaa kooxda looga baran inay tabiso khasaaraha kasoo gaara dagaalka, iyada oo inta badan guullo aan la xaqiijin ka sheegan jirtay weerarada ay fuliso.

Dhinaca kale, Dowladda federaalka ayaa sheegtay in dagaalkii Awdheegle lagu laayay in ka badan 60 xubnood oo Shabaab ah, “Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa si feejignaan leh waajibkooda u gutay.”

Sidoo kale waxay dowladda sheegtay markaas in dagaalkaas kooxda looga furtay hub iyo saanad milater oo badan, islamarkaana si buuxda looga hortegay in shacabka iyo ciidanka waxyeelo gaarsiiyaan.

Al-Shabaab ayaa iyaduna dhankeeda sheegatay inay cagta marisay saldhigyadii degmada Awdheegle, ayna dishay ugu yaraan 59 askari, ayna cagta mariyeen ciidankii halkaas deganaa, sida ay hadalka u dhigtay kooxdu.

Awdheegle ayaa marar badan waxaa weeraro ku soo qaaday Al-Shabaab, sidoo kale waxa ay horay ugu garaacday hoobiyeyaal gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, Maalmihii ugu dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee howl-gallada ka wada gobollada dalka

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Ciidamada Darawiishta Galmudug oo Maantay Deegaano Cusub kaka Wareegay Alshabaab
Next articleSoomaaliland. Oo War Cusub kasoo Saartay Dagaaladii laasacaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here