Home Wararka Maanta Wafdi Ka Socda Algeria Oo Soo Gaaray Muqdisho, Fariin Xasaasi Ahna U...

Wafdi Ka Socda Algeria Oo Soo Gaaray Muqdisho, Fariin Xasaasi Ahna U Keenay Madaxweynaha.(Sawiro)

0

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruse ayaa magaalada Muqdosho ku soo dhaweeyay wafti ka kooban Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Isgaarsiinta oo uu hogaaminayay Wasiirka Isgaarsiinta wadanka Algeria Mohamed Bouslimani.

Wasiirka Isgaarsiinta wadanka Algeria Mohamed Bouslimani ayaa dhambaal soo gaarsiiyay madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Safarka ay wafdigaan ku soo gaareen caasimada dalka ee Muqdisho ayaa ku soo aaday xili shir-waynaha ururka Jaamacada Carab oo ay ka soo qaybgali doonaan dhammaan madaxwaynayaasha dalalka ku midoobey ururka Jamacada Carabta iyo Wasiiradooda Arrimaha Dibadda la filayaa in dhammaadka bishan uu ka dhaco dalka Algeria.

Wafdigaan oo saacada kooban joogay dalka ayaa dib ugu laabtay dalkooda

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Putin oo Qalinka Ku Duugay in afar ka mid ah gobolada Ukraine lagu daro Ruushka
Next articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay inuu Dhintay Afhayeenkii Alshabaab Cali Dheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here