Home puntland Maxaabiis u Xirnaa Puntland oo La La’yahay Meel ay Ku baxsadeen Xili...

Maxaabiis u Xirnaa Puntland oo La La’yahay Meel ay Ku baxsadeen Xili Warar Kala duwan ay Ka soo baxayaan

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa maxaabiis ka baxsaday xabsi dhaqancelin ah oo ku yaalla magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, kuwaasi oo kamid ah dhalinyaradii lagu qabtay dagaalladii 2016 ka dhacay deegaannada Suuj, Garmaal iyo Garacad ee lagu diriray Al-shabaab, Kaas oo dhexmaray Shabaab iyo Puntland

Inkastoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan tirada dhallinyaradan baxsatay, haddana waxaa la sheegayaa inay gaarayaan 10, wallow ciidamada Ammaanka ay soo qabteen mid kamid ah dhallinyaradaasi, oo lagu Qabtay Meel Aan Ka Fogeen Xabsigii Ay Ka Fakadeen

Maxaabiistan ayaa ahaa kuwii dhaqancelinta lagu xukumay, maaddaama maxkamadda Puntland ay sheegtay in aysan qaangaarin.

Weli maamulka Puntland wax war ah kama soo saarin maxaabiistan baxsatay oo weli aan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin, ciidamada ammaanka ayaa la sheegayaa inay wadaan baaritaanno arrintan la xiriirta.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here