Home Wararka Maanta Janaraal Maxamed Xamdan Dagalo oo hal Shardi ku xiray Wadahadal uu la...

Janaraal Maxamed Xamdan Dagalo oo hal Shardi ku xiray Wadahadal uu la galo Jen, Burhaan

0

Waxaa socda dadaal qaar kamid ah waddamada caalamka xal ugu raadinayaan colaada ka aloosan dalka Sudan, kaa dhaxeeya labada Jeneraal ee awoodda badan ee Janaraal Maxamed Xamdan Dagalo iyo Janaraal Abdel Fattah al-Burhan.

Dagaalkii ka socday dalka Sudan ayaa xoogaa qaboobay maalmihii lasoo dhaafay, waxa ayna labada dhinac gaareen heshiis KMG oo xabbad joojin ah, waxaana meelaha qaar laga soo sheegayaa in dagaalo ka socdaan.

Janaraal Maxamed Xamdan Dagalo oo hoggaamiya ciidamada RSF ayaa ku eedeeyay ninka ay is hayaan ee Janaraal Al Burhaan in duqeymo culus ka wadaan Khartuum iyo meelo kale xilli la gaaray heshiis xabbad joojin ah.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Dagalo ninka ay is hayaan in uu masuul ka yahay dhibaatada dalka Sudan ka taagan iyo rabshadaha socda, waxa uuna sheegay in Al Burhaan doonayo in dib usoo celiyo xubno katirsanaa dowladii Al Bashiir.

Taliyaha ciidamada RSF ayaa ku tilmaamay taliyaha milatariga Sudan khaa’inul waddan doonaya in dowladda soo geliyo kuwii daacadda u ahaa madaxweynihii hore ee Cumar Al-Bashiir, kaasoo ay milatariga iyo RSF si wadajir ah xilka uga tuureen sannadkii 2019-kii.

Janaraal Maxamed Xamdan Dagalo ayaana hal shardi ku xiray wadahadalo uu la galo dhinaca kasoo horjeeda, waxa uuna marka hore codsaday in dagaalka la joojiyo , kaddibna la isugu yimaado wadahadal colaada xal looga gaarayo.

Waxaa socda dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan oo ay wadeen waddamada deriska ah Sudan , iyo sidoo kale dowladaha Mareykanka, UK iyo Qaramada Midoobay, kuwaa oo doonaya in la joojiyo dagaalka Sudan ka socda ayna wadahadal yeeshaan raga is haya.

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo arrimo muhiim ah kala hadlay Anna Saleem Högberg (Sawirro)
Next articleProf. Cabdi Ismaaciil Samatar oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Gudoomiye Madaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here