Home Wararka Somaliya Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas oo sheegay in aan la aqbali...

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas oo sheegay in aan la aqbali karin Diktaatooriyad

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, doorashooyinka uu muranka ka taagan yahay iyo banaanbaxa ay ku dhawaaqeen Midowga Musharixiinta.

Cabduweli Gaas oo la hadlay TV-ga Universal waxaa uu sheegay in banaanbaxa uu yahay mid dadku ay ku cabirayaan fikirkooda, aragtidooda iyo dareenkooda, isla markaana uu yahay mid dastuuri ah oo aan cidna diidi Karin.

Waxaa uu sheegay in banaanbaxa hadii uu yahay mid aan fowdo lagu abuureyn aysan jiri Karin cid joojin karta dadkana ay muhiim tahay in dadka ay si naabdgeliyo ah dareenkooda ku cabiraan.

“ Xaq beey u leeyihiin Musharixiinta iyo dadka kale inay banaanbaxan, dowladdana aad ayay ugu qaldan tahay inay hor-istaagto, banaanbaxa waxaa keenay rajo xumo iyo quus lag muujiyay in doorasho dimuqraadi ah dhacdo ayuu yiri” Cabduweli Gaas.

Waxaa wax laga weydiiyay Go’aanka dowladda ee ah in aan la banaanbixi Karin sababo la xiriira cudurka COVID-19, waxaana uu sheegay in go’aankaas uu yahay mid siyaasadeed oo marmar siiyo laga dhiganayo.

Ugu dambeyn Cabduweli Maxamed Cali Gaas Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in dalkaan uu soo maray 21 sano oo Diktaatooriyad ah, isaga oo ku baqay  in la diido in Shacabka Awood Milatari lagu Caburiyo.

Ad
Previous articleQaban qaabada Shir Dhaxmari doona Ra’isul Wasaaraha iyo Mucaaradka oo soconaya
Next articleShirka Musharaxiinta iyo Ra’isul Wasaare Rooble oo Goor dhaw Furmay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here