Home Wararka Somaliya Sawiro:- Galmudug iyo Puntland oo Heshiis ka gaaray Maanta Dil Gaalkacyo ka...

Sawiro:- Galmudug iyo Puntland oo Heshiis ka gaaray Maanta Dil Gaalkacyo ka dhacay Dhawaan

0
Maamulada Degmada Gaalkacyo iyo Gobalka Mudug ee Galmudug iyo Puntland iyo odayaasha dhaqanka oo Heshiis hordhac ah ka gaaray Dil dhawaan ka dhacay Gaalkacyo.
Kulanka lagu xoojinayay Nabada Gaalkacyo oo ay gogashiisa dhigeen odayaasha dhaqanka Koonfurta Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Galmudug, Gudoomiye Ku Xigeenka Gobalka Mudug ee Puntland, Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Shiikh Xasan iyo dhigiisa Puntland Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan iyo odayaasha dhaqanka labada dhinac.
Kulanka ayay odayaasha dhaqanka Koonfurta Gaalkacyo ku baxsheen lacag dhan 7000 Kun oo dollar oo isugu jirta $5000 oo xaal ah iyo $2000 oo duug ah iyo qorigii iyo booshkii marxuumka sida aan ku talagalka ahayn loo dilay iyo gaarigii uu watay oo lagu wareejiyay ehelkiisa iyadoo laga balamay diyada iyo wixii kaloo dhiman.
Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa sheegay in labada Maamul ay ka go,an tahay xoojinta Nabada Gobalka Mudug iyo ka hortagga wax kasta oo Nabada dhaawacaya isagoo Odayaasha dhaqanka ku amaanay doorka ay Nabada ku leeyihiin.
Ad
Previous articleSheekh Shaakir oo go’anka Ahlu-suna Siiyay Odayaasha Degmada Guriceel oo kulan dhex-maray
Next articleCiidamadda Galmudug oo dib ula wareegay Gaari ay Ahlusuna ka qabsatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here