Home Wararka Maanta Booliska oo faah faahiyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Booliska oo faah faahiyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

0

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee maanta lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa maleeshiyada Al Shabaab ku eedeeyay inay qaraxyadaasi la beegsadeen dad rayid ah, oo isugu jira sida uu sheegay carruur, haween iyo dad da’ ah.

“Abaare 2:10pm Khawaarijta naf la caariga ah ee argagixisada waxay maanta qaraxyo la beegsadeen dad shacab ahaa. Dadkaas oo isugu jira carruur, haween iyo dad waayeel ah. Argagixisada arxanka daran waxay laayeen hooyooyin, kuwaas oo naftu ka baxday iyagoo carruurtooda dusha ku haysta.” Ayuu yiri Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa yiri “Waxaa jira hooyooyin kale oo ay isku kor dileen iyaga iyo carruurtooda, taas oo muujinaysa dhaqanka xun ee Khawaarijta naf la caariga ah ay leeyihiin.”

Waxa uu intaasi ku daray “Qaraxyada oo ahaa laba qarax waxay la beegsadeen Isgoyska Zoobe iyo agagaarka Wasaaradda Waxbarashada, halkaas oo ah meeshii 5 sano ka hor saas oo kale dad maati ah oo aan waxba galabsan ay argagixisadu ku laysay.”

Sadiiq Aadan Cali (Doodisho), Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in yoolka Al Shabaab uu ahaa inay wasaaradda ku laayaan arday iyo dad kaloo Soomaaliyeed, oo aan waxba ka galabsan.

“Weerarka oo ay la beegsadeen goob waxbarasho ayuu ujeedkoodu ahaa inay ku laayaan arday iyo dad kaloo Soomaaliyeed, oo aan waxba ka galabsan argagixisada.” Ayuu yiri Doodisho.

Doodisho ma sheegin tirada dadkii ku dhintay, kuna dhaawacmay qaraxyadaasi, waxaase uu xusay in weli uu socdo tira koobka dadkii goobtaasi ku waxyeeloobay, dibna ay Warbaahinta kala soo wadaagi doonaan.

“Waxaa weli socda tira koobka dadkii goobta ay wax ka soo gaareen, oo isugu jira dadka dhimashada iyo dhaawaca ah, oo dhammaantood aan idiin la soo wadaagi doono, faah faahintooda rasmiga ah.” Ayuu yiri Doodisho.

Doodisho ayaa ugu dambayn yiri “Dowladda Somaliya iyo saaxiibadeed waxay u taagan yihiin badbaadinta iyo ilaalinta ummadda Soomaaliyeed, halka cadowga Soomaaliyeed ee Khawaarijta naf la caariga ahina uu sidoo kale doonayo inuu baabi’iyo ummad Soomaaliyeed, oo aan waxba ka galabsan.”

Ad
Previous articleMid kamid ah Wariyaasha ugu Caansanaa Muqdiaho Qaraxyada Soobe ku nafwaayay
Next articleMadaxweyne Xasan Shiilkh oo Booqday Qarixii Shalay lagu baabiyay Zoobe(Soobe)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here