Home Wararka Maanta WAR DEG DEG: DF oo shaacisay in la dilay horjooge Xasan Cadde...

WAR DEG DEG: DF oo shaacisay in la dilay horjooge Xasan Cadde iyo xubno kale oo Shabaab ah

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in howl-gal qorsheysan lagu dilay horjooge Xasan Cadde oo ahaa horjoogihii kooxda Al-Shabaab ee deegaanka Janaa-Cabdale iyo deegaanada kale ee u dhow.

Qoraal kasoo baxay wasaarada warfaafinta ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowlad-goboleedka Jubbaland ay maanta howl-gal qorsheysan ku dileen ugu yaraan afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab.

Howl-galka ayaa ka dhacay deegaanada Qalowlaha iyo Sooyaa oo u dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, sida lagu sheegay qoraalka dowladda federaalka.

Dhinaca kale, Afhayeenka Howl-gallada ciidanka Jubbaland Maxamed Faarax Daahir oo la hadlay Jubbaland TV ayaa xaqiijiyey dilka kooxdan, sidoo kale wuxuu sheegay in howl-galkaas lagu burburiyey goobo fariisimo u ahaa kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli uu dardar xoogan ku socdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo lagu gaarsiiyay weyn, islamarkaana laga qabsaday deegaan horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dhawaan unbay aheyd markii ay dowladda federaalka ay sheegtay in howl-gal lagu dilay 136 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, laguna dhaawacay 98 kamid ah maleeshiyada kooxda, oo ay ku jireen horjoogayaal.

Sida ay xiligaas warisay dowladda howl-galkaas ayaa ka dhacay dhul ballaaran oo kayn ah oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, gaar ahaana ku yaalla inta u dhaxeysa tuullooyinka Tawakal iyo Garasjeereed oo 12KM dhanka galbeed uga beegan degmada Janaale.

Ad
Previous articleMaamul HIRSHABEELE oo Shaaciyay Xiliga ay soo Afjarayaan Howlgalka Dheeraaday ee Alshabaab ay ku qaadeen
Next articleCiidamo sugaya Amniga Deegaanno laga saarayo Al Shabaab oo la diyaariyay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here