Home Wararka Maanta “Weerar weyn oo degdeg ah ayey Iran ku qaadeysaa Israel” saraakiil Mareykan...

“Weerar weyn oo degdeg ah ayey Iran ku qaadeysaa Israel” saraakiil Mareykan ah……

0

Iyadoo laga walaacsan yahay in xiisadda u dhexeysa Iran iyo Israel ay kororto ayey safaaradda Mareykanka ee Israel xaddiday safarka shaqaalaheeda iyadoo Faransiiska ay kala baxeen dibolomaasiyiintooda Tehran.

Telefishinka CBS ayaa ka soo xigtay labo sarkaal oo Mareykan ah in Iran degdeg u weerari doonto Israel.

CBS waxay sidoo kale sheegeen in ay ka soo xigteen saraakiisha in Iran qorsheyneyso weerar ay qaado sida ugu dhaqsiyaha badan.

Shiinaha ayaa ka dalbaday Mareykanka in ay door wax ku ool ah ka qaataan mushkiladda ka taagan bariga dhexe.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa Khadka taleefoonka kula hadlay Wang Yi oo ah sarkaalka ugu sareeya siyaasadda dibadda Shiinaha isagoo ka dalbaday inuu adeegsado saameynta Shiinaha si xiisadda loo qaboojihyo. Wang Yi waxa uu cambaareeyay weerarka qunsuliyadda Iran.

Reuters ayaa sheegtay khamiistii in Mr Blinken uu xiisadda kala hadlay wasiirada arrimaha dibadda Turkiga, Shiinaha iyo Sucudiga. Wuxuuna u sheegay in aysan cidi dan ugu jirin xiisadda oo sii kororta.

Ad
Previous articleMuxuu yahay filimka lagu jilay Soomaaliya ee safka hore ka galay qiimayn lagu sameeyayn Faransiiska?
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay gudaha magaalada Adis Ababa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here