Home Wararka Maanta Howlgal culus oo Ka Bilowday Galmudug iyo Alshabaab badan oo Maantay La...

Howlgal culus oo Ka Bilowday Galmudug iyo Alshabaab badan oo Maantay La Dilay

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in howl-gal culus uu ka socdo deegaanka Baraag Cali-gaduud.

Cali-gaduud ayaa waxay 40 KM u jirtaa degmada Xarardheere, waxaana maanta howl-gal wada-jir ah ka fuliyay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ee Macawiisleyda.

Ciidamada huwanta ayaa waxay howl-galkaan ku dileen Shabaab badan, illaa haddana waxaa la xaqiijinaya dhimashada toban ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xubnaha la dilay ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen maleeshiyaad lagu aruurinayey degaankaas, ayna kooxda u diyaarineysay howl-gal ka dhanka ah ciidamada.

Ciidanka howl-galka fuliyey ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hubkii Shabaab-ka, waxaana wali socda howl-gal ay ciidanka ku baacsanayaan xubnihii ka badbaaday howl-galkaan.

Howl-galkaan culus ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe ay hoos u dhaceen howl-galladii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, marka laga tago duqeynta cirka iyo deegaano kooban.

Gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxay kooxda ku weysay gacan ku haynta deegaano aad u badan, kuwaasi oo qaarkood ahaayeen saldhigyo muhiim u ah kooxda.

Si kastaba, waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa la dardar-gelinayo, si loo guda-galo wejiga xiga oo ka xoog badnaan doona ka hore.
Ad
Previous articleSheekada wiilasha Soomaalida ah ee dalka Qatar u soo xareeyey lacagta gaadhaysa 10 milyan oo doollar
Next articleEedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo Shaaciyay Sababtii uu ugubay Xaaskiisa luul Cabdicasiis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here