Home Wararka Maanta Ku dhowaad boqol qof oo ku dhintay god dahabka laga qodo oo...

Ku dhowaad boqol qof oo ku dhintay god dahabka laga qodo oo ku dumay

0

Ugu yaraan 70 qof ayaa dhimatay ka dib markii uu ku soo dumay god laga qodo dahabka dalka Mali, sida ay saraakiishu sheegeen.

Tunnelka ayaa ku dumay goob ku taal koonfurta-galbeed ee gobolka Koulikoro tirada dhimashada ayaana laga cabsi qabaa iney siyaado.

“Dhulku wuxuu bilaabay inuu gariiro,” Oumar Sidibe, oo ah sarkaal maxalli ah oo ka shaqeeya macdanta dahabka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Mr Sidibe ayaa yiri: “godka waxaa ku sugnaa in ka badan 200 oo dahab-qodoyaal ah, baaritaankii hadda wuu dhammaaday, waxaan helnay 73 qof oo meyd ah.”

Afhayeenka wasaaradda macdanta Baye Coulibaly ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in dhimashadu ay ku dhow dahay 100 qof.

Dowladda Mali ayaa bulshooyinka ku nool agagaarka goobaha macdanta ka codsatay inay u hoggaansamaan shuruudaha badbaadada oo ay ka shaqeeyaan kaliya meelaha loo qoondeeyay in dahabka laga qodo.

Ad
Previous articleDagaalkii Caad: ‘Indhayga ayaan ku arkay baabuur gubaneysa iyo dad dhintay’
Next articleWadaad ku baaqay in weerar lagu qaado Abiy Axmed oo dacwad lagu soo oogay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here