Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya oo 60 sano ah ka dib ka doodaya Dhammeystirka Dastuurka...

Baarlamaanka Soomaaliya oo 60 sano ah ka dib ka doodaya Dhammeystirka Dastuurka Soomaaliya

0

Labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda ayaa markii ugu horreysay muddo 60 sano ah ka dib ka doodaya ansixinta wax ka badalka iyo dhammeystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo dhowr iyo toban sano ah qabyo ahaa.

Labada gole ayaa maanta loo qeybinayaa nuqulka soo jeedimaha wax ka badalka Dastuurka iyadoo goluhu warbixin ka dhageysan doono guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee labada gole sidoo kalena golaha waxaa la siin doonaa jadwalka doodda oo maalmo soco doonta.

Cutubyada 1aad 2aad 3aad iyo 4aad ayuu soo diyaariyey guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka waxaana cutubka 1aad dooddiisu ay soco doontaa 14 bishaan Febraayo ilaa 19 bisha.

Cutubka 2aaad ayaa isna dooddiisu soco doontaa 21 Febraayo ilaaa 04 Marso halka cutubka 3aad dooddiisa loo qorsheeyey 06 Marso ilaa 11 bisha.

Cutubka ugu dambeeya ee 4aad ayaa loo asteeyey ka doodistiisa 13 Marso ilaa 23 Bisha waana dhammeystirka Marxaladda 2aad ee Cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda.

Ad
Previous articleWaa kuma Kornayl Maxamed Al Mansouri? Sarkaalkii ugu sarreeyey Iimaaraadka ee lagu dilay weerarkii Muqdisho
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Naxdinta Lahaa ee Goordhow Loo Gaystay Ustaad……

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here