Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo Dhawaan Xaafiisyo Ka Furan Doona Galmudug iyo Heshiis Maantay...

Qaramada Midoobay oo Dhawaan Xaafiisyo Ka Furan Doona Galmudug iyo Heshiis Maantay Lagu kala Saxiixday Dhuusamareeb(Sawiro)

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa heshiis la saxiixday ku-simaha Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta heshiis dhul loogu asteeyay Xafiiska Qaramada Midoobay la saxiixday ku simaha Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Kiki Gbeho.

Munaasabadda Saxiixa heshiiskaan oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa goob joog ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo maamulka caasimadda.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay booqashada wafdiga ay hogaamineyso Ku simaha Ergeyga Gaarka ah iyo sida ay Qaramada Midoobay uga go’antahay inay xarun rasmi ah ka sameysaan caasimadda Dhusamareeb.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug iyo ku simaha Ergeyga gaarka ah ayaa beeray geedo astaan u ah dhireynta Galmudug cagaaran mustaqbalka dhow.

Qaramada Midoobay ayaanA Dhawaan Xafiisyo Waawayna Ka Furan Doona Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb Taas oo aan Haatan Wax Xaafiis ah Kulahayn Guud Ahaan Deegamada Galmudug.

Ad
Previous articleGaraadyada Laacaanood oo Shuruud adag Ku Xiray Xabad Joojintii Soomaaliland ku dhawaaqday
Next articleCiidamada Dowlada oo Alshabaab ka Dilay Ku Dhawaad 20 askari

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here