Home Wararka Somaliya Galmudug War Deg Deg ah: Qoor Qoor iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Gaaray...

War Deg Deg ah: Qoor Qoor iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Gaaray Furimaha Dagaalka Koonfurta Mudug Xili Alshabaab laga Saari la,yahay Shabeeloow

0

DEG DEG Wafdi uu hugaaminaayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor ayna wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulkaadir Maxamed Nuur, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta JFS Cabdiraxmaan Alcadaala iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda iyo Galmudug ayaa soo gaaray Magaalada Bacadweyne ee koonfurta Gobolka mudug halkaas oo ka mid ahayd Deegaanadii laga xoreeyay Alshabaab.

Wafdiga waxaa Bacadweyne kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka mudug, Mamaulka Bacadweyne, Guddiga Difaaca iyo dibu xoreynta Koonfurta Mudug, Lataliyaha Madaxweynaha Qaranka Sheekeye Xasan Gaashaan, Saraakiisha Ciidamada iyo shacabka Bacadweyne

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa iminka kulan la qaadanaya Masuuliyiintii soo dhaweesay iyo Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka

Socdaalka Masuuliyiinta ayaa salka ku haaya dhiirogalinta Ciidamada naftooda u huray Difaaca Dalka iyo Dagaalka Kooxda Alshabaab

 

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Mucaaradka Puntland oo kusii qul-qulaya magaalada Garowe iyo Deni oo Culays Soo Wajahay
Next articleFurimaha Dagaalka Oo Dib Boorka looga Jafaayo Iyo Sarakiil Booqday Ciid Ciidka(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here