Home Wararka Caalamka Askar Mareykan ah iyo Shacab Reer Afghanistan oo lagu laayay Qarax ka...

Askar Mareykan ah iyo Shacab Reer Afghanistan oo lagu laayay Qarax ka dhacay Kaabul

0

Askar Maraykan ah ayaa ka mid noqday 60 qof oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay meel u dhow gegida dayuuradaha ee Kabul xilli uu socday hawlgal ballaaran oo daadgureyn, waxaana halkaas laha daad gureeyeyey dhaawaca 200 oo kale.

Sida uu sheegay Pentagon-ka, dad rayid ah iyo xubno ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa ka mid ah dadka ku dhintay wax lagu tilmaamay weerar adag.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin in weerarro kale ay ka dhacaan garoonka diyaaradaha kaddib qaraxyadii mataanaha ahaa.

Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay Reuters in ilaa 10 askari oo Maraykan ah ay ku dhinteen qaraxyadan  Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay jiraan ilaa 5,200 oo ciidamo Mareykan ah oo sugaya ammaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Weeraradan ayaa yimid kadib markii Mareykanka iyo xulufadiisa ay ku boorriyeen dadka reer Afghanistan inay isaga baxaan aaggaas, sababo la xiriira hanjabaad ka timid mintidiinta Daacish.

Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa sheegay in qaraxa hore uu ka dhacay agagaarka albaabka Abbey ee garoonka, halka kan kale uu ka dhacay dhow Hotel Baron oo ku dhow garoonka. Laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa sheegay in ugu yaraan mid ka mid ah qaraxyada uu u muuqday mid ka dhashay ismiidaamin.

Qaraxyadan waxay dhaceen saacado kaddib markii Mareykanka iyo Britain ay muwaadiniintooda ku amreen inay ka fogaadaan garoonka diyaaradaha, iyagoo sheegayay inay jirtay khatar ka soo wajahneyd kooxaha mintidiinta ah.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa arrinta lagu wargaliyay waxa uuna si dhow ula socday xaaladda, halka Ra’iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson la filayo inuu shir guddoomiyo kulan deg deg ah.

Ad
Previous articleDeegaanka Balli-howd oo Gobolka Galgaduud oo Dad shacab ah lagu dilay
Next articleGalmudug oo ka hadashey Wararka Sheegaya in Deegaano ay ka Baxeen kadib Shabaab Qabsadeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here