Home Wararka Somaliya Somaliland Soomaaliland oo ku Dhawaaqday Dagaalkii ay ku qabsan lahaayeen Magaalada Laasacaanood

Soomaaliland oo ku Dhawaaqday Dagaalkii ay ku qabsan lahaayeen Magaalada Laasacaanood

0

Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay qaadayaan dagaal qorsheesan oo ka dhan ah ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamada kale ee dagaalka kula jira ee ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Bari.

Afhayeenka ciidamada  milatariga Somaliland Cabdi Cabdullaahu Xasan (Cabdi Dheere) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidankooda marar badan weerar lagu soo qaaday iyaga oo ilaalinayay xabbad joojintii ay horey ugu dhawaaqeen.

Waxa uu sheegay afhayeenka in hadda kaddib aysan gacmaha laaban doonin, isagoona ku goodiyay in ay qaadi doonaan dagaal milatari oo qosheesan kana dhan ah ciidamada huwanta ah ee ku sugan magaalada Laascaanood.

”Haddii aan in badan gacmaha laabanay oon sugeynay weerar nalagu soo qaado, hadda annaga ayaa weerar qaadi doona , wax badan ayaan gacmaha laabanay , balse markan weerar qorsheesan oo milatari ayaan ku qaadi doonaa ciidamada Puntland iyo kuwa la socda” ayuu yiri afhayeenka.

Hanjabaadan adag ee kasoo yeertay maamulka Somaliland ayaa imaaneysa xilli ay horey u sheegeen maamulkaasi in aysan duullaan aheyn, balse ku jiraan is difaac, lamana oga duullaanka ay qorsheeyeen Somaliland waxa uu ka bedeli doono xaalada Laascaanood.

 

Ad
Previous articleMeydadka ku dhowaad 30 qof oo laga helay xeebta Mahdia iyo dad la la’yahay
Next articleCaro ka dhalatay gabadh 18 sano jir ah oo nolosha lagu gubay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here