Home wararka Dalka Alshabaab Oo Iskaga Baxay Deegaanka Tooratoorow Iyo Ciidanka Dawladda Oo La Wareegay

Alshabaab Oo Iskaga Baxay Deegaanka Tooratoorow Iyo Ciidanka Dawladda Oo La Wareegay

0

Ciidamada Dowladda Federaaalka Soomaaliya ayaa saaka la wareegay gacan ku heynta deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo Kumaan  doos ah iyo kuwa Cadaan ah ay saaka gudaha u galeen deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Al Shabaab ayaa gebi ahaan isaga huleelay deegaanka Tooratoorow oo ka mid ahaa meelaha ay ugu xoogan yihiin.

Ciidamada la wareegay Tooratoorow ayaa weerarka ka soo qaaday Saldhiga Balidoogle oo ay ku wada sugan yihiin Ciidamo Kumaandoos ah oo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan iyo Ciidamo Ajnabi ah.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here