Home wararka Dalka Waa Kuma Shaqsiga Loo Magacaabayo Safiirka Soomalia ee Qadar ?

Waa Kuma Shaqsiga Loo Magacaabayo Safiirka Soomalia ee Qadar ?

0
SHARE

Iyadoo ay sii xoogeysaneyso Cilaaqaadka u dhaxeeya Dowladda Soomalia iyo Qadar ayaa waxa ay dowladda soomalia wadaa qorshaha ay safiir ugu magacaabi laheyd Dalka Qadar waxaana aad loo hadal haya shaqsiga loo magaacbi lahaa safaaradda soomalia ee DOHA.

Madaxtooyada Soomalia waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka socda kulamo gaar gaar ah oo looga arinsanaayo shaqsiga loo magacaabi karo safaaradda soomalia ee Qadar waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayan in Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada C/risaaq Axmed Shoole loo arkay in uu yahay shaqsiga loo magcaaabi karo safiirka soomalia u fadhin doona dalka Qadar.

C/risaaq Shoole waxaa uu saaxiibo dhaw la yahay Madaxweyne Farmaajo waxaana loo arkaa in uu yahay shaqsiga kasoo bixi kara howsha Safaaradda Soomalia ee Qadar siina xoojin kara cilaaqaadka curdunka ah ee u dhaxeeya Soomalia iyo Qadar.

Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin oo xiriir dhaw ka dambeeyay cilaaqaadka labada dal ayaa lasheegay in uu ka dambeeyo qorshaha C/risaaq Shoole loogu magacaabayo Safiirka soomalia ee Dalkaa Qadar.

Safaaraddaha soomalia ay ku leedahay 12 dal ayaa hadda laheyn wax safiirro ah waxaana dalalkaasi kamid ah China,Jabuuti,Kuwait,Imaaraadka,Qadar,Suudan,Uganda,Zambia,Kenya iyo Mareykanka.

Qadar waxa ay malaayiin dollar ku bixineysa Mashaariic horumarineed oo ay soomalia ka fulin doono waxaana mashaariicda qadar ay balan qaaday kamid ah Dhismaha Waddooyinka waaweyn ee Isku xira Muqdisho-Jowhar iyo Muqdisho-Afgooye.

Tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka dalalka khlaiijka iyo dalka Qadar waxa ay soomalia u noqotay Faa”iido weyn maadama ay dhex dhexaadka noqotay khilaafka dalalka carabta taa beddelkeedna soomalia ay cilaaqaad xooggan la sameysay Dowlada qadar.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here