Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Xamze oo la Kulmay Safiirka Dowladda Sacuudiga (Sawiro)

Ra’isul Wasaare Xamze oo la Kulmay Safiirka Dowladda Sacuudiga (Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah.

Danjire Muwallad ayaa Ra’iisul Wasaaraha ugu hambalyeeyay xilkiisa, isagoo u rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Sacuudigu u garab taagan tahay Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sacuudiga taageeradeeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleQarax Culus oo Ka Dhacay Degmada Afgooye iyo Sarkaal Sare oo ku Dhintay
Next articleDEGDEG “ Maxbuuskii Milyaneerka Noqday oo hadda lagu dilay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here