Home Wararka Maanta Wararkii Ugu danbeeyey Taliyaha Booliska Muqdisho oo go’aan adag ka soo saaray...

Wararkii Ugu danbeeyey Taliyaha Booliska Muqdisho oo go’aan adag ka soo saaray wixii maanta dhacay

0

qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa si adag uga hadlay banaanbixii maanta ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dilay wiil Camera Man ah.

Taliyaha booliska gobolka Macalin Mahdi oo caawa shir jaraa’id ku qabtay isgoyska Siinaay ayaa sheegay in lasoo xiray dhamaan askartii maanta xabadaha ku riday dadkii banaan-baxa dhigay.

“Askari kasta oo xabad ka riday halkaas waa la xiray, waxaana kiiskaas ku socota baaris, maxkamad ayaana lagu kala bixi doonaa,” ayuu yiri taliyaha booliska Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu balan qaaday inay cadaaladda hor keeni doonaan askartaas, balse wuxuu shacabka Muqdisho ka dalbaday in aysan dhigin banaanbax dambe oo booliska aan ogolaasho ka heysan.

“Dadka caadeystay inay magaaladaan ka dhigaan banaanbax rabshado wata waxaan siinayaa digniintii u dambeysay, ma ogolaa karno wixii maanta dhacay oo kale, dhibka ay ka cabanayaan mid ka daran ayey sameeyaan dadkaasi,” ayuu yiri Taliye Macalin Mahdi.

Taliyaha ayaa sheegay in maanta laga cabanayey wax aan macna badan laheyn, balse uu dhacay dhib kii laga cabanayey ka weyn oo qof dhintay.

“Wixii maanta laga cabanaayey waxaa ka dhib badan waxa dhashay, qofaa dhintay, tukaan lama furin, guryo iyo gaadiid badan ayaa la burburiyey, maanta jidkaan lama marin, waxaas oo dhan sharci darro ayey ku dhaceen, cidna ogolaansho kama heysan dadkii banaanbaxay ee dhibkaan abuuray,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Taliyaha ayaa sheegay in hadda kadib ay baacsa doonaan dadka abaabula banaanbaxyada noocaan ah, si looga baaqsado in wixii maanta oo kale ay dhacaan.

“Hey’adaha amniga waxaa farayaa hadii ay arkaan banaanbax noocaan ah, waxaa jira ciidan loogu talogalay oo ulo wata, ciidankaas ayaa loo soo diraa dadka banaanbaxaya, maanta kadib ma dhici karto in xabad loogu jawaabo qof shacab ah,” ayuu yiri Macalin Mahdi.

Taliyaha ayaa aad u xaqiijiyey in askari kasta oo maanta xabad riday ay soo xireen, si loo ciqaabo, wuxuu ka gaabsaday inuu shaaciyo tirada askarta xiran, balse wuxuu balan qaaday inay maxkamad soo taagi doonaan baaritaan kadib, si wiilkii la dilay uu cadaalad u helo.

Ad
Previous article5 Jeer oo Ra’iisul wasaare Xamse salaanta ka qaadi waayay dumar ay Diblumaasiyiin reer galbeed ah ku jiraan
Next articleFaahfaahin Yaasiin Farey oo hanjabaad ka soo saaray arrintii maanta ka dhacday isgoyska Siinaay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here