Home galmudug Dhageyso School Mudug Oo Hantay Koobkii Kubadda Cagta Ee Loo Qabtay Dugsiyada...

Dhageyso School Mudug Oo Hantay Koobkii Kubadda Cagta Ee Loo Qabtay Dugsiyada Sare Ee Gaalkcyo+Sawirro

0
SHARE

Garoonka Kubadda Cagta C/laahi Ciise Maxamuud Ee Magaalada Gaalkacyo Ayaa Lagu Soo Gaban Gabeeyay Koobkii Kubadda Cagta Ee Loo Qabtay Dugsiyada sare Ee Magaalada Gaalkacyo Dhinaca Galmudug Waxaana Finalkii Koobka Isku Arkay Ciyaartow Kala Matalayay  Mudug Secondary School MSS Iyo Waaberi Secondary School WSS 

Ciyaarta labadaan kooxood oo ahayd mid aad u xiisa badan ayaa waxaa usoo daawasho tagay dad weyne aad u fara badan oo iskaga kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaalada gaalkacyo waxaa sidoo kale garoonka ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan galmudug waxaana qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay  0-0

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxdii matalaysay school mudug waxaa usuurta gashay in ay gool ka dhaliyaan dhigoodu waaberi goolkaas oo natijada ciyaarta ka dhgay 1-0 oo ay guushu ku raacday school mudug oo ku guulasytay tartankii kubadda cagta ee loo qabtay schoolada gaalkacyo hantayna koobkii yiilay garoonka c/laah ciise oo la gudoonsyay ciyaartoyda school mudug

Macalin Abuubakar Xasan Abuubakar Aabahaa oo ah tababaraha xulka kubadda cagta school mudug oo la hadlay mudug24 xafiiskiisa gaalkacyo markii ay ciyaartu soo idlaatay ayaa waxa uu sheegay n guusha ay gaareen ay ku timid juhdi iyo dadaal dheer oo ay sameeyeen maamulka iyo ardayda school mudug

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Macalin Aabahaa

W/Q: Mahad Daahir Maxamed (America) Mudug24 Gaalkcyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here