Home wararka Dalka Akhroso: Maxaa Ka soobaxay Kulan uu Ra’isul Wasaare Khayre La Qaatay Wasiirada...

Akhroso: Maxaa Ka soobaxay Kulan uu Ra’isul Wasaare Khayre La Qaatay Wasiirada Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Ganacsatada G/banaadir (Sawiro)

0
SHARE

Ra’isul wasaare kheyre iyo Wasiirka Maaliyadda iyo Kan Ganacsiga ayaa  waxa ay kulan aan caadi aheyn la qaateen Ganacsatada Gobolka Banaadir oo Maalmihii ugu dambeeyay cabasho xooggan ka qabay nidaamka canshuur qaadista ee wasaaradda maaliyadda ay soo rogtay.

Ra’isul wasaaraha ayaa ganacsatada kala hadlay cabshuur qaadista isagoona ganacstada ku amaanay dedaalka ay u galeen kobcinta dhaqaalaha dalka mudadii uu burburka ku jiray.

Ganacsatada ayaa cabashooda u gudbiyay ra’isul wasaaraha waxaana ay sheegeen in lacagaha laga qaado ganacsatada gobolka banaadir ee dekedda weyn ee muqdisho isticmaala ay aad uga badanyihiin qarashaadka laga qaado ganacsatada kale ee maamul goboleedyada badeecada ay keenaan ay aad uga raqiisanyihiin badeecadaha kale maadama canshuur yar laga qaado.

Ma jiro is afgarad rasmi ah oo dhexmaray ra’isul wasaaraha iyo ganacsatadii uu la kulmay balse kheyre waxa uu ganacsatada ka dalbaday in ay bixiyaan canshuurta si dalka uu horumar u gaaro .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here