Home wararka Dalka Wasaarada Amniga Soomaaliya oo Faah Faahisay Qarax ay Caruur ku Wax...

Wasaarada Amniga Soomaaliya oo Faah Faahisay Qarax ay Caruur ku Wax yeeloowday oo Muqdisho Ka dhacay.

0
SHARE

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdicasiis Xildhibaan oo la hadlay Qaar Ka mid ah Warbaahinta Muqdisho ; ayaa sheegay in ay Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaano la xiriira nuuca uu ahaa qaraxa iyo halka uu ka keenay shaqsiga uu ku qarxay.

Waxa uu intaa ku daray in gurmad ay u sameeyeen dadkii dhaawaca soo gaaray, ayna geeyeen Goobaha Caafimaadka si loogu baxnaaniyo.

Afhayeenka ayaa Sheegay in ay wareysteen dadka goob joogo u ahaa, Hay’adaha Ammaankana ay soo gudbin doonaan Natiijada kasoo baxda Baaritaanadooda.

Gabal dhicii Caawa ayuu Qaaxaan Ka dhacay Meel Aan sidaa Uga Fogeen Isgooska KM4 ee Muqdisho.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here