Home Wararka Somaliya Galmudug Mid ka mid Ciidamada Alshabaab oo Goordhow isku soo dhiibay ciidamada...

Mid ka mid Ciidamada Alshabaab oo Goordhow isku soo dhiibay ciidamada Galmudug (Sawirro)

0

Ciidanka milatariga Soomaaliya ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxaa isku soo dhiibay dagaalyahan katirsanaa Al Shabaab, kaa oo qoraygiisa kala soo baxsaday kooxdii uu katirsanaa.

Ninkan kasoo goostay Al Shabaab oo lagu magacaabo Maxamed Deeq Cabdulahi Maxamed (Carab) ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda , waxa uuna sheegay in muddo ka badan saddex sanno kasoo tirsanaa Al Shabaab kana soo qeyb galay dagaalo badan.

Maxamed Deeq ayaana u sheegay saraakiisha ciidanka dowladda uu isku soo dhiibay in uu go’aansaday in uu isaga soo baxo kooxda Al Shabaab, waxa uuna xusay in kooxdaasi horey u qaldeen ayna ku socdaan waddo aan sax aheyn sida uu tilmaamay.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Xarardheere ayaana soo dhaweeyay ninkan kasoo goostay Al Shabaab, waxa ayna geeyeen goob gaar ah oo lagula soconayo xaaladiisa inta looga gudbinayo hay’adaha ku shaqada leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ugu baaqday dagaalyahanada Al Shabaab in ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda, waxa ayna madaxda dowladda ballanqaadeen in lasoo dhaweenayo loona sameenayo dhaqan celin.

Ad
Previous articleKursigii Xildhibaannimo uu baneeyay Ra’isul Wasaare Xamse oo lagusoo baxay (Sawirro)
Next articleSweden Gabar 11 Sano jir ah oo is dishay kadib Dayac ay kala kulantay Dhaqaatiirta Cilminafsiyeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here