Home Wararka Maanta Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame oo sheegay in uu Xilka ka degayo...

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame oo sheegay in uu Xilka ka degayo uuna noqonayo Wariye

0

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa warbaahinta u sheegay in uu qorsheenayo in uu howlgal ka noqdo siyaasadda uuna wareejiyo xilka, waxa uuna cadeeyay in uu rabo in uu noqdo Wariye marka uu madaxtibimada howl-gab ka noqdo.

Paul Kagame oo muddo 23-sanno ah madaxweyner ka ah dalka Rwanda ayaa sheegay in qorshaha xil ka tagistiisa kala hadlay xubnaha sar sare ee xisbiga uu katirsan yahay, waxa uuna ku sifeeyay xil ka tigistiisa in ay tahay mid aan laga maarmeyn.

Madaxweyne Paul Kagame ma uusan sheegin cidda uu usoo xushay in uu ka bedelo xilka madaxweynaha, waxa uuna kaliya cadeeyay in uu door bidayo inuu abuuro deegaan dadka wax hoggaamin kara u fududeynaya.

Xisbiga talada dalka Rwanda haya The Rwandan Patriotic Front ayaa ka arrinsanaya xil ka degista madaxweynaha, waxaana xisbigan uu hoggaamiye ka ahaa Kagame tan iyo 1998 dhawwaan kuxigeen u doorteen in ay ka noqoto haweeney.

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame oo ah siyaasi si weyn looga jecel yahay dalkiisa ayaa sheegay in uu xiiseebayo in dhanka saxaafadda ku biiro marka uu xilka madaxweynaha ka dego uuna noqdo wariye

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Cabdi Cubeyd oo aha Imaam Masjid lagu Dilay Muqdisho
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal saaka ka Dhacay magaalada Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here