Home wararka Dalka Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo ka hadlay Muranka Ka dhashay Canshuurta iyo Hakadka...

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo ka hadlay Muranka Ka dhashay Canshuurta iyo Hakadka Dekeda.

0
SHARE

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta ka hadlay,waxaana uu ka hadlay cabashada kasoo yeereysa Ganacsatada isaga oo iska fogeeyay arimaha cabashada ah

Wasiir Beyle waxa uu qeexay nooca canshuur kordhinta oo ay sameeyeen iyo sababta ay u canshuurayaan badeecadii oo dekadaba ka soo bixin ganacsatada ayuuna ku eedeeyay in ay diidan yihiin bixinta Canshuurta.

Cabashada ugu badan ee Ganacsatada wax ka soo dejiya Dekada Muqdisho ayaa waxa ay tahay in canshuur kordhinta ay ka jirta Marsada Muqdisho oo kaliya oo dekadaha kale ee dalka aysan ka jirin nidaamkaasi taas oo dhalisay in wasiir beyle uu hadlo arinkaasi.

Waxa ay u muuqataa in uu jiro kala duwanaasho u dhaxeysa Ganacsatada iyo Wasaarada Maaliyadda waxaana la isku khilaafay hanaanka cusub ee Canshuuraha,Xukuumadda Federalka waxa ay leedahay waxaan dooneynaa in aan isku tashano ayna waajib tahay bixinta Canshuurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here