Home wararka Dalka Soomaaliya oo loo ogolaaday in ay Gudbisato Dhagaysiga Muranka Badda.

Soomaaliya oo loo ogolaaday in ay Gudbisato Dhagaysiga Muranka Badda.

0
SHARE

Maxkamadda Cadaaladda ee Caalamiga ICJ ayaa dowladda soomalia u ogollaatay in ay maxkamadda ay horkeento jawaabta Dacwadii muranka Badda ee u dhaxeysa Soomalia iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa war ay soo saartay Isniintii shalay ku sheegtay in soomalia laga doonaayo in maxkamadda ay keento jawaabta Sheegashada Kenya ay ku Xustay jawaabtii u Dambeeysay ee ay maxkamadda geeysay.

Dhageysiga Jawaabaha ay soomalia geeyso maxkamadda ayaa waxaa suurta gal ah in ay noqoto marxaladdii ugu dambeeysay ee dhageysiga dacwada muranka badda ee u dhaxeeya soomalia iyo kenya.

Kenya waxaa ay sheeganeysaa oo ay boobeysa dhul badeed cabirkiisu gaaraayo 100-KM oo laba jibaaran waxaana xad gudubka kenya ee badda soomalia dacwad ka gudbiyay dowladdii xasan shiikh sanadkii 2014-kii waxaana dacwadda ay socotaa muddo 54 sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here