Home Wararka Maanta Madaxweyne Shiikh Shariif oo Soo Gaaray Muqdisho Xili Khilaaf Adag kala Dhexeeyo...

Madaxweyne Shiikh Shariif oo Soo Gaaray Muqdisho Xili Khilaaf Adag kala Dhexeeyo Dowlada Xasan Shiikh

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo indhowaanahan ka maqnaa dalka ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, ayada oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Sheekh Shariif ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay xildhibaano, senataro iyo waxgarad kale oo hadallo ka jeediyay munaasabad ka dhacday gudaha garoonka.

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay inuu si dhow u la socda xaaladaha soo kordhay ee waddanka, isla-markaana loo baahan yahay in laga wada fariisto, si looga sameeyo wada tashiyo ballaaran.

“Xoogaa ayaan maqnaa hadda waa soo laabtay xaaladda dalka, inkastoo maqnaa wax uun waa kala socdaa inta aad sheegteen iyo in kale waxaa loo baahan yahay in loo fariisto” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaarka aheyd ee dalka soo maartay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu bilaabi doono dhaq-dhaqaaqyo siyaasaddeed oo ku aadan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira oo uu sheegay in looga gudbi karo talo guud.

“Xaalado kuwaan ka adag ayaa lasoo maray, tana waxaan aaminsanahay in laga gudbaayo, taladana waa badsaneynaa fadhiya kale ayaan yeelan doonaa” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dadka Soomaaliyeed rajadooda waxaa waayay inay helaan dowlad cadaalad ah, nabad, horumar qeerkood ay la tartamaan”.

Shariifka ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii sida weyn uga soo horjeestay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee go’aanka looga gaaray doorashooyinka dalka.

Ad
Previous articleSiciid Deni oo Soo Faragaliyay Arinta Gobalka Gedo Xili ay Axmad Madoobe is Khilaafeen
Next articleWAR DEG DEG AH:Alshabaab Ku Safraayay Galmudug oo Weerar Dhaba Gal ah lagu Laayay Hubna Laga Furtay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here