Home wararka Dalka Magaalada Hargeysa Oo Lagu Xir Xiray Dad Ka Ganacsanayay Diinka

Magaalada Hargeysa Oo Lagu Xir Xiray Dad Ka Ganacsanayay Diinka

0
SHARE

Illaa 9 qof ayaa lagu xiray magaalada Hargaysa kadib markii lagu tuhmay in ay ugaarsanayeen, islamarkaasna ka ganacsanayeen xayawaanka diinka.

Diinka oo aanan lahayn cago uu kaga baxsado dadka ayaa dhawaanahan waxaa lagu hayay ugaarsi ba’an kadib markii sida la sheegay loo heley suuq.

Wasiirka deegaan ee jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil ayaa wariyeyaasha u sheegay in ay soo badbaadiyeen 6 diin ah oo qaarkood aad u culusyihiin, kuwaas oo hadda lagu xanaanaynayo gudaha wasaaradda.

Somaliland ayaa horey u mamnuucday ka ganacsiga diinka iyo ugaarsigiisaba.

Wasiirka ayaa laga soo xigtay isaga oo leh “Markasta oo uu weynyahay diinka, waa markasta oo sii qiimo badanyahay, waxaan fahamsanahay in ay adduunkan jiraan dad cuna diinka, raga iyo masaska”.

Diinka ayaa waxa uu ka mid yahay xayawaanada adduunka kasii dabar go’aya.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here