Home galmudug Dhageyso Ciidanka Galmudug Oo Gaalkacyo Ku Qabtay Kooxo Burcad Ah Oo La...

Dhageyso Ciidanka Galmudug Oo Gaalkacyo Ku Qabtay Kooxo Burcad Ah Oo La Bixi Jiray Soolarada

0
SHARE

Ciidamada amaanka galmudug ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug waxa ay kusoo qabteen rag lagu eedeeyay in ay la bixi jireen soolarada ilayska cad ceeda ku shaqeeya ee suran jidadka magaalada gaalkacyo oo ay kooxahaasi batariyaashii kala baxeen qaarkood

Duqa dagmada gaalkacyo ee dhinaca galmudug xirsi yuusuf barre oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay labo ka mid ah kooxaha qaylaysatadaa ee la bixi jiray soolarada ilayska cad ceeda ku shaqeeya

Waa Markii ugu horeysay oo gaalkacyo lagu qabto dad ku eedaysan in ay la baxeen soolaro waxayna tani ka dambaysay ka dib dhac iyo boob bilihii dambe lagu hayay soolarada ilayska cad ceeda ku shaqeeya ee suran jidadka iyo xaafadaha gaalkacyo oo qaarkood ay dameen ka dib markii lagala baxay batarigii ay ku shaqayn jireen

Hoos Ka Dhageyso Codka Duqa Dagmada Gaalkacyo Ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre

Mahad Daahir America Mudug24 Gaalkacyo

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here