Home Wararka Maanta P.M Xamse Barre oo Sheegay in ciidanka Xoogga hub casri ah lagu...

P.M Xamse Barre oo Sheegay in ciidanka Xoogga hub casri ah lagu qalabeenayo Xili Soomaaliya Laga Qaaday Cunuqabataynta Hubka Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlay Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay sharaf u tahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo saarneed 31 sano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in cunaqabateynta ay tahay tii ugu dheereen ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu dal saaro, isaga oo xusay guusha ay Soomaaliya gaartay in ay tahay mid muddo la dhowr sugayey.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya fursad u heli doonta in ciidanka lagu qalabeenayo hub casri ah, iyada oo caqabad kala kulmeenin, sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in awood u lahaan doonaan ciidanka xoogga in ay ka guuleystaan Khawaarijta uu sheegay in wixii hadda ka dambeeyo la heli doona hub casri ah.

Ad
Previous articleMareykanka oo shuruudo dagaal hordhigay Israa’iil
Next articleWararkii Ugu danbeeyey Qarax Ka Dhacay Suuqawayn ee Bakaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here