Home Wararka Maanta Alshabaab oo Markale Saakay Weerar ku Qaaday Xero Ciidan oo ku Taala...

Alshabaab oo Markale Saakay Weerar ku Qaaday Xero Ciidan oo ku Taala Muqdisho

0

Faahfaahin Dheeri ah ayaa Kasoo Baxaysa Weerar saakay aroortii Hore Alshabaab ku Qaadeen Xero Ciidan oo ku Taala Magaalada Muqdisho Xeradaan oo Dhawaan lagu wareejiyay Ciidamada Milataara Police lagana Saaray Ciidamada ATMIS oo mudo Halkaas Daganaa.

Xerada La weereray ayaa Lagu Magacaabaa Xerada Maslax oo ku Taala Duleedka Xaafada Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho Alshabaab ayaana Weerar ku Bilowday Hoobiyayaal Ku qaaday Xeradaan Lama Oga Ilaa Haataan Khsaaraha Rasmiga ah ee Ka dhashay Madaafiicdaan.

Xearadaan ayaa Waxaa ku xaraysan Ciidamada Xooga Dalka Garaa ahaan Guutooyinka Khaalid Binwaliid iyo Guutada Cumar Binkhadaad oo loo Diyaarinaayay inay Alshabaab kasaaraan Deegaanada Galmudug ay kaga Suganyihiin Sida Ceelbuur iyo Galhareeri.

Ciidamada Dowlada ee ku sugnaa Xaruntaas ayaa Howlgal Kooban oo ay sameeyeen kusoo Qabtay nin la tuhunsanyahay inuu ahaa ninka hagaayay Hobiyaayaashaan oo qaarkood gudaha Xerda Ku dhaceen Halka qaarna Banaanka Ku dhaceen

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay wax ka beddelka dastuurka iyo Dagaal laga cabsi qabo inuu qarxo
Next articleBeelaha Daga Ceelbuur iyo Alshabaab oo khilaaf Xoogan Ka dhextaaganyahay oo Gacan Kahadal Qarka Usaaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here