Home wararka Dalka Alshabaab” Tababare Ciidan ayaan Ku dilnay Muqdisho.

Alshabaab” Tababare Ciidan ayaan Ku dilnay Muqdisho.

0
SHARE

Al-shabaab ayaa sheegtay in Tababare ka tirsan Milatariga Soomaaliya ay saaka ku dishay Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir

Ninka la dilay ayey AL-shabaab ku sheegeen Maxamed Tima Jilic oo ka tirsanaa tababarayaasha Milatariga Dowladda Soomaaliya,kaas oo dilkiisu ka dhacay degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab waxaa ay sheegatay in Rag iyada ka tirsan oo Baskoolado watay ay toogteen Timo jilic kana baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Al-shabab ayaa dilal qorsheysan oo ka dhan ah Ciidamada dowladda Federaalka ah ka fulisa Muqdisho iyada oo dhawaan sheegatay dil sarkaal Boolis ah loogu geystay degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here