Home Wararka Maanta Soomaaliya oo laga cafiyey malaayiin dollar iyo Madaxweyne Xasan Shiikh oo war...

Soomaaliya oo laga cafiyey malaayiin dollar iyo Madaxweyne Xasan Shiikh oo war ka soo saaray(Sawiro)

0

Dowladda Soomaaliya ayaa loo cafiyey ugu yaraan $30 Milyan oo lagu yeeshay intii ay burburka ku jirtay, lacagtaan ayaa si gooni ah u quseysa sanduuqa beeraha ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha ee IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doolar.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran, isaga oo tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeedu ay u baahdaan sannad kasta gurmad iyo quudin degdeg ah.

Madaxweynaha ayaa shirkii maanta ka sheegay in caqabadaha dib u dhigay wax-soo saarka beeraha Soomaaliya ay ugu horreeyaan argagixisada Al-Shabaab oo haysatay dhul baaxad leh oo ku habboonaa tabcashada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen baaqa dowladda ee ku saabsanaa in aan u istaagno dabar-goynta argagixsada , iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo garab ka helaya dadka deegaannada ay ku guuleysteen xoreynta deegaanno badan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ah dhul-beereed badan oo ku habboon maalgashiga iyo beerashada, waxaanna ku rajo weynahay inay taasi dhici karto.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay sida deymaha lagu leeyahay dalkeenna, isbeddelka cimilada iyo yaraanta khibradaha iyo farsamooyinka tabcashada ay caqabad ugu yihiin horumarka beeraha dalka.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wxuuu xaqiijiyey in dowladda Soomaaliyeed ay dadaal ku bixinayso sidii loo kobcin lahaa fahamka iyo tabcashada beeraha dalka, maadaama ay Soomaaliya leedahay dhul ku wanaagsan tabaca dalagyada kala duwan ee cunada.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Xariga Ka Jaran Garoon Diyaaradeed oo isku Tashi Dadwayne lagu Dhisay(Sawiro)
Next articleNISA oo Dogniin Adag u Dirtay ganacsato ay AL-SHABAAB u yeereen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here