Home galmudug Sawiro Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Shirkada dhiseysa Dekada Hobyo..

Sawiro Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Shirkada dhiseysa Dekada Hobyo..

0
SHARE

madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle xaaf oo ku sugan Muqdisho ayaa la kulmay shirkad laga leeyahay Dalka Shiinaha taasi oo dhiseysa Dhismahada Dekada Hobyo,

Madaxweyne Xaaf oo kulan la qaatay masuuliyiinta Shirkadan oo dhawaan gaaray Hobyo isla markana soo qiimeeyay dekadaasi ayaa madaxweynaha uga warbixiyay heerka dekada iyo qaabka loo dhisi karo.

Wafdiga ayaana madaxweynaha la wadaagay in Dekada Hobyo dhismaheeda ay tahay mid Fudud isla markana u diyaarsan qaab dakadeed iyagoo amaanay halka ay ku taallo oo ah oo istiraatiiji ah oo muhiim ah,

Madaxweyne Xaaf ayaa dhankiisa booriyay shirkadan waxana uu ka codsaday in dhismaha dekada loo bilaabo sida ugu dhaqsiyaha badan,

tan iyo markii madaxweynaha Somaliya Farmaajo uu gaaray magaalada Hobyo waxaa muuqata rajo ku aadan dhismaha dekada hobyo oo hada heshay saxiixa ugu muhiimsan ee madaxweynaha,

Dhanka kale waxaa la filayaa in wafdiga ay markale ku laabtaan halkaasi oo geeyaan qalabka lagu dhisayo dekada inkastoo dhanka maamulka aysan shaacin waqtiga la geenayo,

Mudug24 Muqdisho

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here