Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamo Ka Tirsan ahlusuna oo isku Soo Dhiibay Galmudug hub Farabadana Watay(Sawiro)

Ciidamo Ka Tirsan ahlusuna oo isku Soo Dhiibay Galmudug hub Farabadana Watay(Sawiro)

0

Ciidamo ka tirsanaa kooxda Ahlu sunna iyo hubkooda ayaa maanta isku dhiibay ciidamada Maamulka Galmudug ka dib markii ay ka soo goosteen kooxdii ay ka tirsanaayeen.

Laamaha amniga Dhuusamareeb ayaa goordhaw warbaahinta u soo bandhigey dhowr iyo toban rag ah iyo hubkooda kuwaasoo hore ka tirsanaa Kooxda Ahlusunna ee fadhigoodu yahay bohol.

Xubnahan ayaa sheegay in ay ka tanaasuleen fekerkii ay ku howlanaayeen, iminkana ay diyaar u yihiin in ay bulshadooda dhinac ka galaan.

Kooxda Ahlusunna ee fadhigoodu yahay bohol oo ay hogaamiyaan Macalin Maxamuud iyo Shiikh Shaakir ayaan ka hadlin arintan.

Ad
Previous articleDeg Deg:5 qof ajaanib ah oo ku Dhimatay Weerarkii lagu Qaaday Xerada Xalane
Next articleDoorashadii baladweyne oo lagu kala Baxay iyo Nabad iyo Nolol oo jab Xoogan soo gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here