Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Itoobiya oo Qaraxyo Iyo Dagaal Toos ah lagu...

Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Itoobiya oo Qaraxyo Iyo Dagaal Toos ah lagu Qaaday

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya weeraro qaraxyo ah lagula beegsaday inta u dhexeysa degmooyinka Luuqa iyo Duulow ee gobolkaasi oo dhaca koonfurta Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyey ciidamada la qarxiyey iyo xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Shaatoolow oo ah meesha lagu weeraray ciidamadaasi.

Ciidamada qaraxyada lala beegsaday ayaa ka yimid dhanka Itoobiya,waxayna ku sii jeedeen dhinaca degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay waraabhinta ayaa sheegay inay soo wajahday cabsi xoogan, kadib qaraxyadaasi oo ay xigeen howlgallo ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan halkaasi iyo kuwa dowladda.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan waxa ay shaacisay in qaraxa koowaad uu haleelay mid ka mid ah kolonyada gaadiidka ee ay wateen ciidanka Itoobiya, halka midka labaadna uu ku qarxay ciidamo lugeynayey, sida ay ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka.

Ma shaacin kooxda Al-Shabaab khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaasi iyo weerarka tooska ah ee xigay, sidoo kalena ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Itoobiya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan xaaladdu ay dagan tahay, waxaana lagu soo warrinayaa in ciidamada Itoobiya ay socdaakoodii horey usii wateen.

Maalmihii u dambeeyey kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyey weerarkii maalin ka hore lagu qaaday ciidamada Burundi ee ku sugnaa deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo sababay khasaare lixaad leh iyo burbur xoogan.

Ad
Previous articleDagaal Sababay Khasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac oo Goordhow ka Dhacay Muqdisho
Next articleGudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya oo La Doortay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here