Home wararka Dalka Ciidamo Milateri ah iyo Kuwa Danab oo Howlgallo Ka Fuliyay Goobo Shabaab...

Ciidamo Milateri ah iyo Kuwa Danab oo Howlgallo Ka Fuliyay Goobo Shabaab Lagu Tumayo.

0
SHARE
  • Views 0
  • Rating 12345

Wararka ka imaanaya deegaano iyo degmooyin ku yaalo gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saakay aroortii hore ay Howgalo ka bilaabayn Ciidamada Soomaaliya degmooyin ay Shabaab ka taliyaan oo ku yaala gobalkaasi.

Howgalka ayaa laga sameeyay Ow-dhiigle, Qoryoolay, Mubaarak iyo meelo kale waxaa dhamaan la sheegay in ay qabsadeyn Ciidamada Milatariga oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Maraykanka.

Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada DANAB oo howlgalkaan hogaaminaya ayaa  Laga soo Xigtay in ay qabsadeyn Tuulada Mubaarak iyo qayba ka mid ah Owdhiigle oo shabaab ku sugnaayeen, al-shabaab ayaa la sheegay in ay xalay ka baxeen deegaanadaasi, waxa ayna sidoo kale xalay furtayn Idaacad ugu tiilay Mubaarak.

Sidoo kale Ciidmada AMISOM iyo Ciidamo lagu sheegay Local Police oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa saakay ku jirmaaday degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelaha Hoose, deegaano ka tirsan Qoryoolay.

Goobaha ay Ciidamad qabsadayn waxaa ka mid ah Xero. 1-aad iyo Xero 2-aad sidoo Kale Ciidamada ayaa la sheegay in ay qabsadeyn Tuulooyinka Arimooy, Durgaal iyo saldhigii ugu weynaa ee Al-shabaab oo la sheegay in uu ku yaalay deegaanka Doon-buraale ee gobalka Shabeelaha Hoose.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here