Home Wararka Maanta Mucaaradka kasoo Horjeeda Dowlada wilyam Ruuto oo Shaaciyay maalinka ay dib...

Mucaaradka kasoo Horjeeda Dowlada wilyam Ruuto oo Shaaciyay maalinka ay dib u billaabayaan dibad-baxyada

0

Mucaaradka dalka Kenya ayaa dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda dib u billaabi doona 2-da May, waxaa sidaas wakaaladda wararka AFP u sheegay afhayeenka hoggaamiyaha mucaaradka.

Dibad-baxyada ayaa la hakiyey ku dhowaad saddex toddobaad kadib markii dowladda ay yaboohday wada-hadallo.

“Waxaan dibad-baxyada dib u billaabi doonnaa 2-da May,” ayuu yiri Dennis Onyango oo ah afhayeenka Raila Odinga, oo abaabulay dibad-baxyadii bishii tagtay. “Waxay dibad-baxyada ka billaaban doonnaa Nairobi,” ayuu yiri Onyango.

Onyango ma uusan sheegin sababta ay mucaaradka ugu baaqeen in dibad-baxyada dib loo billaabo. Hase yeeshee mucaaradka ayaa horey uga digay inay sidan dhici doonto haddii aan horumar la taaban karo laga sameyn wada-hadallada.

Odinga ayaa hoggaaminayey dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda, isaga oo ku dooday in lagu shubtay doorashadii madaxweynaha ee bishii August iyo sidoo kale wax uu ugu yeeray in dowladda ay ku guul-darreysatay inay wax ka qabato qiimaha nolosha ee sare usii kacaya.

Saddex qof ayaa geeriyooday, goobo ganacsina waa la bililiqeystay saddex maalmood oo bishii tagtay ay socdeen dibad-baxyo rabashado watay oo ka dhan ah dowladda.

Sidoo kale booliska ayaa laba qof ku toogtay magaalada Kisumu, halka sarkaal boolis uu u dhintay dhaawacyo kasoo gaaray isku dhacyo ka dhacay magaalada, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Bishan horraanteeda, Odinga ayaa ku dhowaaqay in la hakiyey dibad-baxyada kadib markii madaxweyne William Ruto uu ku baaqay in wada-hadallo lagu xaliyo dhibaatooyinka jira.

Madaxweynaha ayaa soo jeediyey in la abuuro guddi baarlamaani oo labada dhinac ah, si ay uga shaqeeyaan walaacyada la xiriira hannaanka doorashada.

Odinga ayaa soo dhoweeyey “xalka nabadeed” ee Ruto. Hase yeeshee waxa uu sidoo kale ka digay “Waxaan xaq u leenahay inaan ku baaqno dibad-baxyo haddii hanaankan uusan miro dhalin.”

Odinga, oo looga adkaaday shantii doorashado madaxweyne ee ugu dambeeyey, ayaa toddobaadkii tegay sheegay inuu shaacin doono qorsheyaal cusub oo la xiriira dibad-baxyada mustaqbalka kadib dhammaadka bisha Ramadan.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Mooshinka Laga Keenay Raysulwasaare Xamsa Cabdi Barre
Next articleQaabka uu Shiinuhu u xado xogta sirta ah ee Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here