Home wararka Dalka Canada oo dib u dhigeysa musaafurinta muwaadin Somaliya kasoo jeeda..

Canada oo dib u dhigeysa musaafurinta muwaadin Somaliya kasoo jeeda..

0
SHARE
  • Views 0
  • Rating 12345

Maxkamad ku taalla dalka Canada ayaa dib u dhigtay masaafurinta Cabdul Cabdi ah oo muwaadin Soomaali ah oo dhawaan Maxkamaddaasi ay ku xukuntay in dib loogu celiyo Soomaaliya.

Benjamin Perryman oo ah Qareenka u doodayay muwaadinkaasi Soomaaliyeed ayaa Axadii shalay ahayd xaqiijiyay in dib loo dhageysan doono Dacwadda Cabdul Cabdi, iyadoo si ku meel gaar ah loo joojiyay qorshe lagu masaafurinayo.

Qareenka ayaa xusay in uu waydiistay Wasiirka badbaada shacabka ee dalka Canada in si deg deg ah loo dhageysto Dacwadda loo heysto muwaadinkaasi Soomaaliyeed.

Cabdul Cabdi ayaa waxaa Maxkamad ku taalla dalka Canada ay hore ugu xukuntay 5-Sano oo xabsi ah, isagoo lagu eedeeyay in uu dalkaasi Canada ka galay dambiyo kala duwan

Muwaadinkaasi Soomaaliyeed oo Canada  galay isagoo aad u da’yaraa ayaanan haysanin dhalashada dalkaasi.

Qaar ka mid ah hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in Mr Cabdul uu halis kala kulmi karo Soomaaliya oo uusan weligii tegin, isagoo la sheegay in uu ku dhashay dalka Sacuudiga.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here