Home Wararka caalamka Sawiro Iiraan oo soo riday diyaarad ay leedahay Israel iyo xiisad taagan..

Sawiro Iiraan oo soo riday diyaarad ay leedahay Israel iyo xiisad taagan..

0
SHARE

Ra’iisul wasaaraha dalka Isra’iil, Benjamin Netanyahu ayaa uga digay dalka Iiran in wax weerar ah ay kusoo qaado Isra’iil, isagoo intaa ku daray in Isra’iil ay iska difaaci doonto weerar walba oo uga yimaada dibadda.

Netanyahu ayaa sidookale sheegay in Iiran ay uga digayaan inay kusoo xadgudubto madaxbanaanida dalkiisa, waxaana raiisul wasaare Netanyahu uu intaa ku daray inay iska cadahay siyaasadda Isra’iil ee difaaca dhulkeeda.

Dhinaca kale ilaalaha kacaanka Iiraan ayaa uga digtay Israa’iil inay faraha la soo gasho dalka Iiraan, waxayna sheegeen inay awood u leeyihiin inay albaabo naar ah ku furaan Israa’iil, iyadoo aan la aqbali doonin xadgudubyada Israa’iil ee dalka Suuriya.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in si shuruud la’an ah loo joojiyo collaada ka soo cusboonaatay dalka Suuriya, kadib markii diyaarad ay leedahay Isra’iil lagu soo riday gudaha dalka Suuriya.

Mr Guterres waxaa uu sheegay inuu si dhaw uu ula socday xaalada milateri ee ka soo cusboonaatay xuduudaha wadanka Suuriya. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay qaadeen weeraro ballaaran oo ay ku bartilmaamedsanayaan xarumo milateri oo ku yaala gudaha dalka Suuriya oo ay kamid tahay hanaankii difaaaca cirka ee Suuriya iyo walibana bartilmaameed ay Iiran ku leedahay gudaha wadankaasi.

Isra’iil aya duqeymahaasi ku tilmaamtay kuwii ugu ba’naa ee ay qaado muddo soddon sano ah. Afhayeen u hadlay milateriga Isra’iil oo lagu magacaabo Jonathan Conricus ayaa BBC-da u sheegay inay bartilmaameedsadeen xarumo milateri oo ay Iiran ku leedahay gudaha Suuriya iyo saldhigto milateriga Suuriya ay ku leeyihiin agagaarka caasimadda Dimishiq.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here